Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta Xarunta Madaxtooyadda ku qaabilay Guddigii uu maanta Magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee loogu tala galay in ay xaliyaan Khilaafka Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Guddiga ayaa la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka koobnaa:
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi
Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
Xildhibaan Aamino Xasan
Xildhibaan Xasan Yare
Xildhibaan Cabdifitax Ismacil Dahir
Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh
Xildhibaan Ceeymoow
Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay labo qodob ka wadaan Gudoomiye Jawaari si loo xaliyo Khilaafkana ayna muhiim tahay in uu tixgaliyo Madaxweyne Farmaajo.
In cod qarsoodi ah loo qaado Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari iyadoo la isticmaalayo Sanduuq
Ama in lagu xaliyo tanaasul, islamarkaana cidwalba ay qabsato shaqadii loo idmay.














