Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa maanta martigalinaysa Wajiga Labaad ee Shirka Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda kaasi oo looga hadlaayo arimaha amniga iyo doorashooyinka
Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha somaliya maxamed cabdulaahi farmaajo , Raisulwasaare xasan cali kheyre iyo madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda dalka ka jira kuwaasi oo kala ah galmudug puntland jubaland koofurgalbeed iyo hirshabeeele
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood, ay ka horyimaadeen in shirka laga soo qaybgeliyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), balse Villa Somalia ayaa dadaal badan ku bixisay, sidii uu madasha ugu soo biiri lahaa.
Wajiga Labaad ee Shirka Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda ayaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha














