Akhriso Khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday Qarax oo ka dhacay Goofgaduud

Weerar ay Saaka Argagixisadu ku qaaday Deegaanka #Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay ayaa waxaa halkaas ku dhintay 5 xubnood oo kala ah ,Masuuliyiin, Ciidan, iyo Dadka deegaanka, weerarka oo ku bilowday gaari lagu Soo raray walxaha Qarxa ayaa lagu weeraray Xarunta Ciidanka ay ka deganaayeen Deegeenkaas Goofgaduud,

waxaa halkaas ku dhintay 3 xubnood oo isagu jira ( 2- Xubnood oo Ciidanka Xooga Dalka ah iyo eedeysane).

Intaas kadib, ayey Argagixisadu isticmaaleen dhagar iyaga oo Meyd ku Soo xiray qarax, waxa goobtaasi ku baxay Guddoomiyihii Deegaanka iyo Taliyihii Saldhiga Booliiska oo iyaguna ku Nafwaayay Qaraxii 2-aad ee meydka ku xirnaa.

Guud ahaan dhimashada qaraxyada maanta ka dhacay Deegaanka #Goofgaduud #Buureey ayaa noqonaya ilaa 5 xubnood.

Sawirada hoos idinkaga muuqda waa Guddoomiyihii iyo Taliyihii Saldhiga.

ALLAH Naxariistii Janno hasiiyo,Aamiin Aamiin Aamiin