Akhriso Magacyada Guddiga Loo Magacaabay Qaban-Qaabada Xil-Wareejinta RW Cusub

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Magacaabay Guddiga qaban-qaabada munaasabadda xil-wareejinta Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Mahdi Guuleed ayaa lagu Magacaabay Guddiga oo dhammaantood ah Wasiiro xilka siiyaha, iyagoona ka shaqeyn doona sidii ay u dhici laheyd munaasabadda xil-wareejinta Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dorraad xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka u magacaabay Maxamed Xuseen Rooble, isagoo bedelaya Ra’iisul Wasaarhihii hore ee Xasan Cali Kheyre oo codka kalsoonida lagala noqday.

Hoos ka Akhriso Magacyada Wasiirada la Magacaabay.

1-sii hayaha wasiirka cadaaladda Xassan Xuseen Xaaji

2-Sii hayaha wasiirka dastuurka dalka Salaax Axmed Jaamac

3-Sii hayaha wasiirka gashaandhigga Xassan Cali Maxamed (Amar-dambe)

4-Sii hayaha wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Qadiijo Maxamed Diiriye

5-Sii hayaha wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar)

6-Sii hayaha wasiirka Qorsheynta qaranka Jamaal Maxamed Xasan

7-Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Cabdirisaaq Xuseen Aadan iyo xubno kale.