Ibraahim Nuur, oo magaciisa afgarashada lagu yaqaan (Farxaan) kana mid ahaa kooxda argagixisada Al-Shabaab, ayaa si iskiis ah ugu soo dhiibay laamaha amniga degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Isagoo muujinaya go’aankiisa ka tegista kooxdii uu muddo la socday, Farxaan wuxuu si toos ah gacanta ugu geliyay ciidamada ammaanka hubkii uu watay, oo uu ka mid ahaa qori iyo boosh uu kooxda kala soo goostay.
Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo amni, isa-soo dhiibidda Ibraahim Nuur waxay salka ku haysaa xaalado nololeed oo aad u adag oo ay wajahayaan xubnaha Khawaarijta, kuwaas oo duruuf adag oo gaajo, cabsi, iyo cadaadis ku hayso gudaha duurka ay ku dhuumanayaan. Dhibaatooyinkaasi waxay ka dhasheen baacsiga xooggan ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo si joogto ah u beegsanaya goobo ay ku sugan yihiin argagixisada.
Saraakiisha ammaanka ee degmada Afmadow waxay si rasmi ah u shaaciyeen in tallaabada uu qaaday Farxaan ay muujinayso burburka gudaha ah ee ka taagan kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan kala shakiga iyo kalsooni darrada ka dhex aloosan xubnahooda. Waxay intaa ku dareen in dowladda Federaalka iyo Jubbalandba ay si nabad ah u soo dhoweyn doonaan cid kasta oo go’aansata in ay ka soo baxdo kooxda Khawaarijta, iyagoo fursad siinaya sidii ay dib ugu midoobi lahaayeen bulshada inteeda kale, nolol cusubna u bilaabi lahaayeen.














