Al-Shabaab oo Dhaqaale Ururin Culus Ka Bilaabay Aagga u Dhaxeeya Afgoye iyo Wanlaweyn

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan dhul ballaaran oo ku yaalla inta u dhaxaysa degmooyinka Afgoye iyo Wanlaweyn, ayaa muujinaya dhaqdhaqaaq cusub oo xooggan oo ay bilaabeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo si gaar ah diiradda u saaraya ururinta dhaqaalaha, iyagoo cadaadis xooggan saaray ganacsatada deegaanka.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo deegaanka ku sugan, isla markaana codsaday in aan la shaacin magacyadooda sababo amni awgood, Al-Shabaab ayaa lacagtan ugu yeereysa “sakaawaat”, taasoo ay ku amrayaan ganacsatada inay bixiyaan si joogto ah. Wararka ayaa tilmaamaya in qaabka lacagaha loo aruurinayo uu yahay mid aan doorasho lahayn, iyadoo ganacsatada lagu qasbayo inay bixiyaan lacagaha haddii kale ay la kulmi karaan cawaaqib halis ah.

Xaaladda amni ee deegaannadaasi ayaa si aad ah u liidata, taasoo sababtay in aan la helin codad ama muuqaallo caddaynaya dhaq-dhaqaaqyada kooxda, balse dadka deegaanka iyo ilo amni ayaa si isku mid ah u xaqiijiyay in dhaqdhaqaaqan cusub uu si weyn u saameeyay ganacsiga, nolosha dadweynaha iyo dhaqaalaha guud ahaan gobolka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay si isa soo taraysa u xoojinayaan joogitaankooda iyo awoodooda ciidan ee ku baahsan hareeraha wabiga Shabeelle. Waxaa la xaqiijiyay in ay gacanta ku hayaan tuulooyin iyo magaalooyin istaraatiiji ah oo ay ka mid yihiin Sabiid, Caanoole, Moryaanle, Owdheegle, Mubaarak iyo deegaano kale oo muhiim ah oo dhaca jiinka wabiga.

Muddooyinkii u dambeeyay, weerarada kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyeen gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ayaa si xawli ah u kordhay, gaar ahaan labadii bilood ee la soo dhaafay, taasoo cabsi hor leh ku abuurtay dadka rayidka ah iyo ganacsatada. Weeraradaas oo ah kuwo qorshaysan oo si toos ah loola beegsanayo saldhigyada ciidamada, gaadiidka ganacsiga, iyo xarumaha dadweynaha ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga guud ahaan gobolka.

Falanqeeyayaal ku takhasusay arrimaha amniga iyo ilo sirdoon ayaa sheegay in ururinta dhaqaalaha iyo weerarada isdaba jooga ah ay muujinayaan istaraatijiyad cusub oo ay Al-Shabaab adeegsaneyso si ay dib ugu soo ceshato awooddii ay lumisay sanadihii la soo dhaafay. Waxaa la rumeysan yahay in ururinta dhaqaalaha lagu horumarinayo hawlgalladooda militari, tababarka dagaalyahanada cusub, iyo dhismaha maamul-goboleedyo u gaar ah kooxda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada deegaanka ayaa haatan wado abaabul iyo qorsheyn dagaal oo lagu doonayo in dib loogu xoreeyo deegaannada ay Al-Shabaab ka maamulaan gobolka Shabeellaha Hoose. Inkastoo howlgaladaas aysan weli gaarsiisnayn dhammaan deegaannada ay kooxda joogto, hadana saraakiil ciidan ayaa ballan qaaday in qorshayaal cusub oo deg deg ah lagu wajahayo kooxda si dadka deegaanka ay u helaan xorriyad, amni iyo nolol dhaqaale oo xasilloon.

Dadka deegaanka ayaa si weyn u dareemaya cadaadiska Al-Shabaab, iyagoo ku nool cabsi joogto ah, ganacsataduna waxay wajahayaan dhaqaale burbur ku yimid iyadoo ay la tacaalayaan bixinta lacagaha “zakaada” ee khasabka ah. Waxaa muuqata in kooxdaasi ay adeegsanayso dhaqaale ururinta si ay u maalgeliso weerarada iyo maamulka meelaha ay xoogga ku haystaan, taasoo sii murjisay xaaladda amni ee gobolka Shabeellaha Hoose.