Al-shabaab oo howlgal looga diley xubno muhiim u ahaa.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA) ayaa xalay si guul leh u fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan. Howlgalkan oo ay si dhow uga taageereen saaxiibada caalamka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday guri ay ku kulmayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha NISA, kooxdaasi ayaa ku hawlanayd abaabulka weerarro lagu waxyeeleynayo ammaanka shacabka deegaanka, waxaana howlgalka lagu beegsaday markii la helay xog sugan oo sirdoon oo muujisay goobta ay ku sugnaayeen xubnahaasi khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Natiijada howlgalka ayaa lagu sheegay in lagu dilay siddeed (8) xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad, kuwaas oo si firfircoon uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab. NISA ma aysan shaacin magacyada ama sawirrada xubnaha la dilay, balse waxay ku adkeysatay in howlgalka uu ahaa mid si xirfad sare ah loo fuliyay oo lagu gaaray ujeeddadii laga lahaa.

Taliska hay’adda sirdoonka ayaa sidoo kale xusay in uu sii laba jibbaarayo dadaallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo la qorsheynayo howlgallo cusub oo lagu baacsanayo xubnaha kooxda ee weli ku sugan deegaannada miyiga ah iyo dhulalka fogfog ee gobolka Hiiraan iyo meelo kale oo dalka ah.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto in dalka laga ciribtiro argagixisada, iyadoo taageero buuxda ka helaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ee la garab taagan dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.

Howlgalka Aboorey ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Federaalka, kuwa deegaanka Macawiisleyda, iyo beelaha deegaanka ay kordhiyeen gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, taas oo muujinaysa in cadaadiska ciidan ee lagu hayo kooxdaasi uu sare u kacay, iyadoo waayahan dambe lagu guuleystay in laga saaro degmooyin iyo deegaanno muhiim ah.