Al-Shabaab oo la sheegay inay ka Baxeen deegaano ka tirsan Mudug

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay isaga baxeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka mudug,halkaasi oo ay ku sugnaayeen dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in Shabaab ay isaga baxeen deegaannada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mareykanka ay deegaannadaas duqeymo ka fuliyeen.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen inay wadaan dhankooda dhaq dhaqaaqyo ku saabsan sdiii Al-Shabaab uga saari lahaayeen deegaano iyo degmooyin ay kaga sugan yihiin Koonfurta Gobolka Mudug.

Si kastaba majirto warar madax bannaan oo xaqiijinaya warkaan kasoo yeeray saraakiisha Ciidamada dowladda ee deegaannada Galmudug oo ku aadan inay Shabaab ka baxeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere.