Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay la wareegeen maanta deegaanno ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan goobaha ay qabsadeen Al-Shabaab.
Degaanada ay la wareegeen Al-Shabaab ayaa kala ah Dhagaxow, Yaaqle iyo Kooreebe oo dhammaantood hoostaga degmada Balacd.
La Wareegitaanka Al-Shabaab ayaa timid ka dib markii Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay in ay isaga baxeen degaanadaasi.
Markii ay Al-shabaab halkaasi tageen ayeey meel fagaare ah isugu yeereen dadkii deganaa deegaannada, iyaga oo halkaasi kula hadlay.














