Al-Shabaab Oo Sheegtay Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax maanta ka dhacay Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamul Goboleedka jubbaland.

Qaraxa oo ahaa mid khasaare badan dhaliyay ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah iyo Mas’uul ka tirsan Maamulka Jubbland, waxaana la sheegay inn uu jiro khasaare soo gaaray ciidanka Jubbaland gaar ahaan ilaalada Shaafi Raabi Kaahin oo ahaa guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland, kaasi oo ka mid ahaa dadka maanta ku dhintay qaraxa ka dhacay Kismaayo.