Al-shabaab oo weerar qarax iyo toos ahba ka geeysatey gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa bannaanka degmada Moqokori. Weerarka ayaa bilowday markii la adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu dhuftay goob ay ciidamada ku sugnaayeen.

Qaraxa ismiidaaminta ahaa ayaa ahaa bilowga weerarka, ka dibna waxaa bilaawday dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarka fuliyay. Dagaalka ayaa hadda ka socda deegaanka Gumare ee degmada Moqokori, iyadoo goob joogayaal ay sheegayaan in rasaas culus laga maqlayo halka uu qaraxu ka dhacay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo warinayaa weerarkaasi, inkastoo tirada rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay aysan weli la shaacin. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ku guuleystay in ay iska caabiyaan weerarka, isla markaana ay khasaare gaarsiiyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xaaladda ammaanka ee degmada iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ay weli tahay mid kacsan kadib weerarkan, iyadoo ciidamada ammaanka ay sii wadaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo ka hortagga falalka amni darro.