Ciidamada daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud ayaa iska caabiyay weerar ay galabta ku soo qaadeen Shabaab.
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in ciidanka ay iska difaaceen kooxdii soo weerartay.
“Kooxda argagixisada Shabaab oo dagaallo ay la galeen ciidamada Galmudug iyo kuwa qaranka labadii billood ee u danbaysay deegaanno badan looga qabsaday isla markaana jab xooggan oo dhan walba ah lagu gaarsiiyey ayaa isku dayaya in ay soo qaadaan weeraro nafla-caari ah oo ay maleeshiyaadkooda si qasab ah lagu galinayo” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda Amniga.
Magaalooyinka Cadaado, Baxdo iyo Godinlabe ayaa lagu soo waramayaaa in ay ka baxayaan gurmadyo ciidan oo ku wajahan aagga Cadakibir, waxaana la dareemayaa abaabul xooggan oo magaalooyinkaas iyo deegaanada hoostaga ka soconaya.














