Wararka idaacada raadiyo beydhabo ay ka heleyso deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay werareen dad Reer Guuuraa Xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa Koonfurta Gobolka Mudug.
Weerarkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanada Xinlabi iyo Baraaciise,waxaana Goobjoogayaal ay sheegen in Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ay soo raaceen Gaari TM ah oo ka Shaqeeya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Gaalkacyo.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in weearkaas ay Al-Shabaab ku dileen Saddex Ruux halka ay wateen Hal Nin oo kamid ahaa dadka Xoolo dhaqatada ah,waxaana arrintaan la sheegay inay salka ku heyso khilaaf u dhaxeeyey Xoolo Dhaqatada iyo Al-Shabaab.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Shabaab dadka ay weeydiisteen Xoolo,hayeeshee dadka ay diideen taas oo xiisad ka dhex abuurtay Al-Shabaab iyo dadka Xoolo Dhaqatada ah.














