Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday laga billaabo Maanta oo Axad ah in la joojiyey duullimaadyadi dalka gudahiisa sababo la xiriira ka hortaga Cudurka Coronavirus.
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa soo saartay warsaxaafadeed ku saabsan in ay xayirayso duulimaadka maxaliga ah ee gudaha dalka, kadib markii dhawaan ay dowladda ku dhawaaqday in ay hakisay duulimaadka caalamiga ah.
Maanta ayaa la filayaa in amarkaas kasoo baxey dowladda Somaaliya uu ka dhaqan galo guud ahaan Soomaaliya,waxaana arrintaasi siwyen looga dareemay muqdisho.
Qaar kamid ah Gobolada dalka waxaa ku go’doonsan dad Shacab ah iyo mas’uuliyin,kuwaas oo qaarkood kusoo wajahnaa muqdisho halka kuwo kale ay doonayeen inay ka baxaan Magaalada Muqdisho.














