Amaro lagu soo rogay Hoteelada ku yaal Magaalada Burco

Xukuumadda Soomaaliland ayaa waxaa ay amaro kala duwan kusoo rogtay Hoteelada ku yaal magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, kuwaas oo la faray inay amaradaas si deg deg ah ku qaataan.

Warsaxafadeed kasoo baxday wasaarada diinta iyo awqaafta, maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco iyo guddida wanaag farista Burco, ayaa waxaa lagu amray Hoteelada Magalada Burco in an lagu qaban karin bandhig faneedyo ama cawaysyada musiiga laga tumo.
“ laga bilaabo 30 ka bishan hoteelada Burco lagu qaban karin bandhig faneedyo ama cawaysyada musiiga laga tumo, waxa la farayaa hoteelada Burco in ay joojiyaan dhamaan wixii ka hor imaanaya shareecada Islaamka, waxana nu samaynay dhaqangalka amarkan cid daba gasha” ayaa lagu War-Saxaafadeedka.

Amarada kasoo baxay wasaarada diinta iyo awqaafta, maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco eek u socda Hoteelada ayaa waxaa sidoo kale kamid ah.

1-In horumar lagu sheego wax alle iyo rasuul(CSW)inoo diideen waa ku dhiirasho denbi.-

2-Wadanku waa muslim,islaanimadu qofka waxbay faraysaa waxna waa ka reebaysaa.

3-Dawladu waxay islaanimada ilaalinteeda u samaysay wasaarada diinta iyo awqaafta,dastuur sida qodobka 5-aad oo tuuraya wixii diinta ka soo horjeeda.-

Sidaas darted waxaa la farayaa dhamaan hoteelada burco lagga bilaabo 30.07.2021 in ay joojiyaan dhamaan wixii ka hor imanaya shareecada islaamka, waxaana u samaynay dhaqan galka amarkan cid daba gasha.