Amiir iyo madaxa ICRC oo kulan yeeshey.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Madaxa Xafiiska Hey’adda ICRC ee Soomaaliya, Mudane Antoine Grand.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray dar-dargelinta shaqooyinka iyo mashaariicyada horumarineed ee ay Hey’adda ICRC ka fuliso magaalada Muqdisho, gaar ahaan sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada xaaladaha deg-degga ah ee ka dhaca Gobolka Banaadir.

Intii kulanka uu socday, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac si kor loogu qaado adeegyada bini’aadannimo iyo taageerada deg-degga ah ee bulshada gobolka u baahan yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa kaga mahadceliyay Hey’adda ICRC iyo Bisha Cas doorka muuqda ee ay ka qaataan howlaha bini’aadannimada, gaar ahaan taageerida dhinacyada caafimaadka iyo fulinta mashaariicyada horumarineed ee wax ku oolka ah.