Howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee somalia ayaa shaaca kaqaaday in ciidamada Amisom ay weli wadaan howgalka nabad ilaalinta iyaga oo fulinaya qorshayaasha xilliga kalaguurka waxaana xusid mudan in uu sii dhamaanayo waqtiga loogu talagalay howgalka nabad ilaalinta midowga Africa Amisom ee Somalia iyadoo horraantii sanadkan la billaabay in ladhimo tirada ciidamada Amisom wallow uu saameeyn kuyeeshay cudurka safmarka ah ee karoona faayris.
Horraantii sanadkan Amisom ayaa dhintay tiro kamid ah ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa Amisom ee Somalia ciidamadaas oo tiradooda ay gaareyso 1000 askari ayaa laga saaray dalk Somalia kuwaasi oo laga dhimay dhamaan shanta dal ee ciidamadoodu ay qeyb kayihiin howgalka nabad ilaalinta midowga Africa Amisom ee Somalia.
Taliyaha qeybta 1aad ee ciidamada Amisom general Richard Otto ayaa shaaca kaqaaday in wax saameeyn ah aysan kuyeelan howgallada ciidamada Amisom goobaha ay kusuganyihiin iyo masuuliyadda amaanka goobaha ciidamada Amisom ay joogaan.
Tan iyo bishii December sanaddii 2017 Amisom ayaa billowday qorshe lagu dhimayo tirada ciidamada Amisom kuwaasi oo laga saarayo dalka Somalia waxaana qorshahaas soo jeediyay golaha amaanka ee qaramada midoobay oo go,aan ay soo saareen kudalbadeen in ladhimo tirada ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa Amisom ee Somalia si loo dardargeliyo qorshaha kalaguurka maadaamada howgalka nabad ilaalinta midowga waqtigoodu uu ku egyahay sanadda 2021 waxaana ladoonayaa goobaha ay haatan kusuganyihiin ciidamada Amisom in ay amaankooda lawareegaan ciidamada xoogga dalka somaliyeed marka ay kabaxaan ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee kusugan Somalia.














