Amniga Doorashada Degmada Baraawe Oo laga wada hadley

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi ayaa Shir Gudoomiyey Shir looga hadlaayey Amniga guud ee Magaalada Baraawe iyo Sugida Goobaha Doorashooyinka ay ka dhacayaan .

Waxaa Shirka la isku dhaafsadey Warbixno iyo Qorshooyin Lagu sugeyo Amniga Magaalada iyo doorashada , iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen Ciidamada Amaanka.

Shirka Waxaa ka soo qeyb galey Sarakiisha Ciidamada , Xoogga Dalka ,Booliska , Nabad sugida ,Daraawiishta KGS , iyo Amisom.

Magaalada Baraawe ayaa dhawaan waxaa ka bilaaban doonta doorashada Xildhibaanada golaha shacabka sida uu qorsheeyay maamulka Koonfur Galbeed.