Amniga Garoowe oo Shir laga yeeshay

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga ee Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Amniga, waxaana Shirka looga hadlay amniga guud ee Puntland, shaqooyinka amniga ee socda iyo hirgelinta Qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga ka talo bixinaya Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan Caasimadda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe.