Aqalka sare ee dalka oo ka shiraya sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasada dalka.

Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday khilaafka siyaasadeed ee xooggan ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland, kaas oo muddooyinkii dambe soo xoogaystay.

Dooddan ayaa diiradda lagu saaray kaalinta Aqalka Sare ee xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka. Arrintan ayaa ku saleysan warbixin rasmi ah oo horyaalla golaha, taas oo ay soo diyaariyeen guddiyada joogtada ah ee Aqalka Sare.

Senatarro ka tirsan Aqalka Sare, gaar ahaan kuwa metela maamulada Puntland iyo Jubbaland, ayaa doodda ku muujiyay walaac xooggan, iyagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay faragelin siyaasadeed iyo qorshe lagu wiiqayo awoodda iyo madax-bannaanida maamulada ay matalaan.

Doodda maanta ayaa ku soo beegantay, iyadoo warar soo baxaya ay tilmaamayaan in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo ka hanaqaada gobolka Gedo, arrin uu maamulka Jubbaland si cad uga soo horjeestay, kuna tilmaamay tallaabo dhaawacaysa nidaamka federaalka iyo wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada.

Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa horey digniin uga bixiyay tallaabo kasta oo lagu dhisayo maamul ka dhan ah Jubbaland, isagoo ku adkeeyay in ficillo noocaas ah ay halis ku yihiin xasilloonida iyo wada jirka siyaasadeed ee dalka.

Khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la rumeysan yahay inuu wiiqay dadaallada dowladnimada, hirgelinta heshiisyadii siyaasadeed, iyo qorshayaasha horumarineed ee dalka, xilli ay Soomaaliya wajahayso xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah oo u baahan is-afgarad iyo wadatashi dhab ah.