Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa Maanta kulankooda caadiga ahaa waxaa ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho, iyaga oo ansixiyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Senatar Cabdi Axmed Dhuxulow ayaa Goalaha Aqalka Sare Akrinta 3aad ka hor akhriyay.
Waxaa Codeeyey 28 senatar, Cid ka a’amustay ama diiday majirin.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa kamahad celiyey ansixinta sharcigaan.














