Ardayda Degmada Waajid Oo u Fariistey Imtixaanka Dugsiyada(Sawiro)

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Waajid Ee Gobalka Bakool Ayaa U Furrey Imtixanaadka ay Qaadayso Wasaarada Waxbarashada DGKS Iskuulada Waajid Primary ,Alhuda,iyo Caamir Primary Kuwaasii oo Ka Kooban Fasalada 1aad ilaa 8aad .

Masuliiyinta Ayaa Isku jiray Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Maamulka Dr Mukhtaar Ahmed Hassan iyo Xildhibaan Gardhuub Waxayna ay Ardayda Maanta intixaanka u Bilowday Ku Buraarujiyay Inay Ku Dadaalan Imtixanaadka U Bilowday Si Meel Fiican
uga Garaan Waxbarashada .

Gudoomiyaha Degmada Waajid Ee Gobalka Bakool Mohamed Macalin Yuusuf Ayaa Codsadey in Maamulka Garab laga Siiyo kor-uqaadista Waxbarashada Degmada Iyo inay Yeelato Dugsi sare Waxaa uu Baaq Udirey Wasaarada Waxbarashada DGKS Iyo Bulshada Guud ahaan In Kaalin muuqatada Ka Qataan Tacliinta Degmada In meel Sare lagaarsiiyoo.