Ashrag Ghani oo Dalkiisa ka Cararay&Taalibaan oo la wareegtay madaxtooyada Afghanistan

Taalibaan ayaa sheeganeysa in ay la wareegeen madaxtooyada dalka Afghanistaan ee ku taalla caasimadda Kabul.

Madaxweyne Ghani ayaa saacado kahor ka tagay dalka, balse waxaan weli caddeyn xaaladda rasmiga ah ee aqalka laga xukumo dalkaas.

Sida laga soo xigtay wariye gudaha ku sugan oo lagu magacaabo, Bilal Sarwary oo la hadlay laba qof oo reer Afgaanistaan ah oo ku hawlan wadaxaajood toos ah, ayaa sheegaya in heshiiska uu qayb ka ahaa in Ghani uu ku biiri lahaa xafladda xil wareejinta awoodda oo ka dhici lahayd qasriga madaxtooyada, balse taa beddelkeeda isaga iyo kaaliyayaashiisii sare ay dalka isaga baxeen.

‘‘Shaqaalaha qasriga ayaa markaa la sheegay in lagu wargeliyay in ay madaxtooyada isaga baxaan, qasrigana uu”, kaaliyayaasha ayaa sidaas yiri.Taalibaaniyiintu ayaa kadib wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in ay la wareegeen madaxtooyada.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowladda.

Waraka laga helaayo dalka Afghanistan, ayaa sheegaya in madaxweyne Ashraf Ghani uu ka tagay dalka, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dalka Afghanistaan. Arintan ayaa imaaneysa kadib markii ay Taalibaanku galeen caasimadda dalkaas ee Kabul.

Madaxweyne ku xigeenka dallkaasAmrullah Saleh ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in uu ka baxay dalka.

Mr Ghani ayaa la kulmayay cadaadis ah inuu is casilo, maadaama magaalooyinka waaweyn ee ku hareereysan Afgaanistaan ay gacanta u galeen mintidiinta Taalibaan.

Taalibaan ayaa dhankeeda dagaalyahannadeeda fartay in ay gudaha u galaan caasimadda Kabul, iyagoona maxaabiis ka sii daayay xabsiyo ku yaallo Kabul.