Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen gaari siday Khaad (Jaad), kaas oo marayay degaan ka tirsan Gobolka Mandheera ee dalka kenya
Gaariga ayaa xilliga la weerarayay waxaa uu marayay deegaanka Jabi ee hoostaga degmada Raamo gobolka Mandheera, waxaana dagaal kooban uu dhex-maray Ciidamo Kenyan ah oo ilaalo ka hayay Gaariga & Al-Shabaab.
Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Booliska Gobolka Mandheera waxaa weerarkaas lagu dilay Saddex kamid ah Ciidamada Booliska Kenya, sidoo kale ay Al-Shabaab gubeen Gaarigii Khaadka siday.
Sidoo kale Saraakiisha ka tirsan Booliska Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in ay jiraan dad Shacab ah oo weerarkaas ay Ciidamada kasoo badbaadiyeen, kuwaas oo la socday Gaariga.
Weerarkan Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ka geysteen degan ka tirsan Gobolka Mandheera ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Taliyaha Ciidamada difaaca Kenya uu dhawaan sheegay inay ka hortagayaan weerrarada Al-Shabaab.














