Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka fagaaraha cadaaladda ka fulisay xukun dil ah oo lagu riday laba askari oo hore uga tirsanaa Guutada 14-ka Oktoobar — Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad Koofi) — kuwaas oo horay loogu helay dambiga dilka Abaanduulihii Ururka 83-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ex Dhamme Ceydiid Maxamed Cali.
Labadan askari ayaa maxkamaddu ku caddaysay inay si ula kac ah u adeegayeen ururka Al-Shabaab, iyagoo miino qarax ah ku xiray sariirta uu ku seexan jiray marxuum Ceydiid Maxamed Cali. Qaraxaas ayaa sababay dhimashadiisa, waxaana dhacdadu ahayd mid si weyn uga argagaxisay ciidamada iyo bulshada Soomaaliyeed.
Fulinta xukunka dilka ayaa maanta ka dhacday goob fagaare ah, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada, mas’uuliyiin ka socday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, iyo xubno kale oo ka tirsan hay’adaha amniga.
Maxkamadda Ciidamada ayaa mar kale ku celisay fariinteeda ku aaddan in aanay jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, darajo ama xil uu doono ha lahaadee, isla markaana askari ama sarkaal ku kaca falal lid ku ah sharciga iyo qarannimada lagu horgeyn doono cadaaladda, si looga hortago dambiyada halista ah ee dhaawaca u geysta amniga iyo kalsoonida shacabka.














