Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa goor dhow lagu dilay degmada Xamar Jajab gaar ahaan masaajid ku yaalla Agagaarka Biyaaso Liibaro.
Sidda ay Radio baidoa u xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta Askariga lagu toogtay waxa ay sheegeen in la dilay xilli uu u taagnaa rakcadii ugu dambeysay ee Salaadda Cishaha.
Rasaasta lagu dhuftay askariga ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qof Shacab ah.
Kooxihii dilka geystay ayaa horay u qaatay qorigii uu watay Askariga.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana hadda ay halkaasi ka waddaan howlgallo.














