Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta si rasmi ah u ku dhawaaqday xukun dil ah oo qisaas ah, kaas oo lagu riday Ex-Dable Boolis Bakar Cabdicasiis Maxamed, kaasi oo horey uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Haramcad. Eedeysanaha ayaa lagu helay dambi dil ah oo si ula kac ah uu u geystay muwaadin muruqmaal ahaa oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.
Dilka ayaa dhacay 28-kii bishii June ee sanadkan 2025, iyadoo uu falkaasi ka dhacay agagaarka Masjidka Cali Boolaay ee degmada Waabari ee magaalada Muqdisho. Sida ay warbixintu sheegeyso, sababta uu eedeysanuhu u dilay marxuumka ayaa ahayd mid aad u liidata, isagoo si bareer ah u toogtay kadib markii uu ku yiri “Maxaad iisoo fiirisay?” — taasoo si weyn u gilgishay dareenka bulshada.
Markii uu falkaasi dilka ah dhacay, Ex-Dable Bakar ayaa isku dayay inuu baxsado isagoo adeegsanaya mooto nooca Fekon ah, balse waxaa lagu qabtay isla habeenkii uu dilka geystay, iyadoo ciidamada ammaanku ku qabteen degmada Cabdicasiis kadib hawlgal degdeg ah oo la sameeyay.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa qaaday baaris qoto dheer oo ku saabsan dhacdada, taasoo horseedday in dacwadda si rasmi ah loo horgeeyo maxkamadda. Kiiska ayaa furmay 27-kii July 2025, waxaana maxkamaddu si buuxda u dhageysatay markhaatiyada iyo caddeymaha la hor keenay.
Ugu dambeyn, Garsoorka Maxkamadda oo ku shaqeynaya shareecada Islaamka iyo xeerarka ciidamada qalabka sida, ayaa ku dhawaaqay in eedeysanaha lagu xukumay dil toogasho ah, taas oo ah qisaas laga qaadayo dilkii uu u geystay marxuumka.
Guddoomiyaha Maxkamadda, G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xukunka uu yahay mid cadaaladeed, waafaqsan xeerka ciqaabta ciidamada iyo mabaadi’da shareecada Islaamka. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ciidamada qalabka sida aysan noqon doonin meel dambiyada lagu guto oo aan laga jawaabin.
Xukunkaasi ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, gaar ahaan ehelada marxuumka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay in ay taageersan yihiin garsoor ku saleysan caddaalad iyo isla xisaabtan. Tani waxay fariin adag u tahay kuwa xilalka haya ee ku xadgudba xuquuqda muwaadiniinta, iyadoo muujinaysa in dambiga aysan ka jirin meel ka sareysa sharciga.














