Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milatariga ayaa dib ula Wareegay degaanada Aw-dheegle iyo Mubaarag oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose oo Al-shabaab ay la Wareegeen
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay Dagaal kula Wareegeen Degaanadaasi ooSaakay Al-shabaab ay qabsadeen.
Guddoomiyaha Degaanka Aw-dheegle Maxamed Aweys Abuukar ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Milatariga ay hada ku sugan yihiin Awdheegle iyo Mubaarag Al-shabaabna laga Eryay waa siduu sheegaye.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in ilaa Dhawr dagaalame laga dilay Al-shabaab oo hada Deegaanadaasi ay Ciidamadu ku sugan yihiin














