Awdiinle”Xubno Alshabaab gacanta lagu dhigey Oo lasoo Bandhigey

Howlgalo ay sameyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta KGS ee ku sugan deegaanka awdiinle ayaa waxay ku soo dileen laba dagaalyahano oo katirsanaa ururka nabad diidka Al shabaab kuwaas oo ku sugnaa meel Awdiinle u jirta 25km iyadoona laba kamid ah nolol lagu Soo qabtey waxaana la keeney deegaanka Awdiinle iyaga iyo hubkii ay siteenba,

Maalintii Shaley Aheyd ayaa sidoo kale Degmada Awdiinle lagu soo bandhigey Meydka Xubin kamid ah Alshabaab kaasi oo ay Saraakiisha Ciidanka ay sheegeen in looga diley Alshabaab weerar ay ku soo qaadeen fariisin Ciidamo ay ku lahaayeen Degmada Awdiinke ee Gobolka Baay.