Axmed Madoobe oo la hadley beesha caalamka

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa wada-hadallo khadka telefoonka ah la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray wada-hadalladaasi, Madaxweynaha iyo Wakiillada Beesha Caalamka waxay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah la iskugu yimaado madal loo dhan yahay, si go’aan looga gaaro arrimaha hortabinta leh, oo ay ka mid yihiin: dhamaystirka Dastuurka, hannaanka Doorashooyinka, iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in wada-shaqeynta iyo isfahamka caalamiga ahi ay fure u tahay horumar iyo xasillooni siyaasadeed.

Kulankan ayaa imaanaya xilli ay Wakiillada Beesha Caalamka dhowaan kulammo la yeesheen Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, si ay uga wada hadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, kulamadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qabanqaabada shir ballaaran oo la doonayo in ay ka soo qeybgalaan siyaasiyiinta mucaaradka, hoggaanka ururrada siyaasadda, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Beesha Caalamka ayaa billowday in ay cadaadis diblomaasiyeed saarto madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, si loo dardar-geliyo wadahadallada siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.