Axmed Madoobe Oo Si Deg Ded Ah Ugu Laabtay Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si deg deg ah dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka u ah Maamulkaasi.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Marxuum Shaafi Raabi kaahin iyo muwaadiniinta kale ee ku waxyeeloowday qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Waxaa Madaxweynahu uu Allah uga baryayaa in uu Naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana dadka dhaawaca ah uu Caafimaad deg deg ah siiyo.