Baarista heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka Oo la Amrey

Xafiiska Xeer xilaaliyaha Guud ee Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in la baaro heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed, kaas oo ay kasoo horjeesteen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleeymaan Maxamed Maxamuud ayuu ku sheegay in uu xeer ilaaliyaal u Magacaabay si baaris loogu sameeyo talaabada ku haboona loo qaado heshiiskii shidaalka ee
uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, iyada oo laga ambaqaadayo baaritaankii hordhaca ahaa ee uu sameeyay
Hantidhowraha Guud ee Qaranka.

Hanti dhowrk guud ee Qaranka ayaa shalay dalbadya in baaris lagu sameeyo heshiiska uu saxiixay Wasiirka, sidoo kalena Shaqada laga joojiyo Wasiirka, taas oo keentay in Xelafiiska Xeer ilaalinta Qaranka uu xeer ilaaliyaal u saaro baafista heshiiskaas.

Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskaas aan lagala tashan, iala markaana uu sharci darro yahay balse Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya oo hadlay uu sheegay inay isla ogaayeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.