Badhaadhe Oo Carruur Cudurro kala duwan ugu dhintay

Wararka ka imaanaya degamada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hooe ayaa sheegaya in ugu yaraan sagaal carruur ah ay u geeriyoodeen cudurro kala duwan oo kuwa faafa ah, oo sida ay mas’uuliyiinta degaanku sheegeen ay ka mid yihiin Jadeeco.

Cabdinuur Maxamed Xiiray oo ka mid ah mas’uuliyiinta caafimaadka ee qaabilsan Badhaadhe, balse haatan ku sugan deegaanka Kulbiyow ayaa heegay in Cuduradaan ay muddo todobaado ah ka jiraan Badhaadhe,isla markaana ay Carruur ku geeriyoodeen.

Waxaa uu sheegay in Cudurkaas uu ku faafey tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmada Badhaadhe,isodo kalena Goobo caafimaa aysan ka jirin Badhaadhe iyo deegaanka Kulbiyow.