Balad-Xaawo oo weli uu dagaal ka socdo iyo wararkii ugu dambeeyey.

Wararka naga soo gaaraya degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu istaagay dagaal culus oo saakay waaberigii hore ka qarxay magaaladaasi, sida ay u xaqiijiyeen ilo-wareedyo goobjoogayaal ah oo la hadlay idaacadda Risaala. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu dhexmaray ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidan kale oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo horey u ahaa wasiirkii amniga Jubbaland balse hadda lala xiriirinayo inay xiriir dhaw leeyihiin taliska Villa Soomaaliya.

Iska horimaadkan ayaa sababay cabsi xooggan oo ku faaftay guud ahaan magaalada, waxaana shacabka deegaanka ay bilaabeen barakac baahsan oo ku wajahan dhanka magaalada Mandera ee dalka Kenya. Dad badan oo degganaa xaafadaha u dhow goobaha lagu dagaallamay ayaa xalay saqdii dhexe bilaabay inay ka baxaan guryahooda, iyagoo qaadanaya hantidooda yar ee ay wataan, halka kuwa kalena ay saakay aroortii u dareereen xuduudda Kenya si ay uga fogaadaan waxyeellada ka dhalan karta colaadda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada ciidan ay haatan ku kala sugan yihiin aagaggii hore ee lagu dagaallamay, balse xaaladda magaalada wali ay tahay mid aad u kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in markasta uu dib u qarxo dagaalka, maadaama aysan jirin wax heshiis ama dhex-dhexaadin rasmi ah oo la gaaray. Waxaa sidoo kale muuqata in dowladda federaalka ay si toos ah ugu lug leedahay arrintan, taasoo sii xumeyn karta xiisadda siyaasadeed iyo mida amni ee ka taagan gobolka Gedo.

Beled-Xaawo ayaa dhowr jeer oo hore marti u noqotay dagaallo noocan oo kale ah oo u dhexeeya Jubbaland iyo ciidamo taageero ka hela dowladda dhexe, taasoo si weyn u saameysay xasiloonida gobolka iyo kalsoonida shacabka ee dhinacyada isku haya talada. Dowladda Federaalka ayaa horey loogu eedeeyay inay faragelin ku hayso maamulka gobolka Gedo, iyada oo loo marayo la tacaalidda awoodda maamulka Jubbaland, halka Jubbaland-na ay si adag uga hortimid in lagu xadgudbo xuduudaha maamulkeeda.

Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadka saakay dhacay, balse ilo-wareedyo madaxbannaan ayaa sheegay in ay jiraan dhaawacyo iyo barakac ballaaran, iyadoo xaaladdu ay weli tahay mid aad u kacsan. Dowladda Federaalka iyo Jubbaland midkoodna weli kama aysan hadlin dhacdadan, balse wararka ka imanaya Beled-Xaawo waxay muujinayaan inay jirto cabsi xooggan oo laga qabo in xaaladdu markale gasho marxalad dagaal oo halis ah, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta dadka rayidka ah ee magaalada ku nool.