Ciidanka Qaranka Soomaaliya ee ka howlgalaya gobolka Gedo ayaa saaka aroortii hore iska caabiyay weerar culus oo lagu qaaday fariisimahooda ku yaalla duleedka degmada istiraatiijiga ah ee Beledxaawo, taas oo ah magaalo ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana leh muhiimad amni iyo mid ganacsi.
War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan. Ciidanka Qaranka ayaa sheegay in ay ku guuleysteen inay kala eryaan kooxihii weerarka soo qaaday, islamarkaana gacanta ku dhigeen toban ka mid ah weeraryahannada. Sidoo kale, ciidamada ayaa la wareegay goobihii weerarka laga soo abaabulay iyo hubkii yaallay, taas oo hoos u dhigtay awoodda kooxdaasi.
Intii uu socday iska caabinta weerarka, laba askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday — Laba-xiddigle Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Muxumed Gooni — halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo xarumo caafimaad oo ku yaalla gudaha gobolka.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xaqiijisay in xaaladda deegaanka ay hadda deggen tahay, balse ciidanku ay sii wadaan hawlgalada xaqiijinta amniga, ilaalinta xasilloonida, iyo ka hortagga isku day kasta oo carqalad ku ah nabadda gobolka Gedo.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka deegaanka inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga, islamarkaana ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo shaki leh, si loo sugo midnimada dalka iyo xasilloonida bulshada, maadaama gobolka Gedo uu yahay meel muhiim u ah difaaca xuduudaha iyo ka hortagga khataraha gudaha iyo dibadda.














