Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu qabtey Banaanbax looga soo horjeeday Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay soo abaabuleen laamaha Amniga degmada iyo Maamulka Magaalada.
Banaanbaxa waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Galmudug, Maamulka degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Ciidamada, Culima’udiinka, Odayaasha dhaqanka dhalinyarada Haweenka iyo qeybaha kala duwan Ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo.
Dadkii ka hadlay banaanbaxa ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan dhibaato ay sheegeen in Al-Shabaab ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed ayna la dagaalami doonaan.
Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa dhankooda waxaa ay uga mahad celiyeen Bulshada sida ay dareenkooda ugu muujiyeen sida ay uga xun yihiin dbibaatada ay Shacabka Soomaaliyeed ku hayaan Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed inay hal meel uga soo wada jeestaan Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada Ammaanka ay kala Shaqeeyaan sugida Amniga.
Banaanbaxa Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee looga soo horjeeday Al-Shabaab ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay degaano ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug ay ka socdeen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.















