Barakac Deegaan Laga Siiyay Boosaaso

Xafido Mukul Maxamed oo ah hooyo haysata siddeed carruur ah waxay ku faraxday inay hesho warqadda lahaanshaha boos loogu dhisay guri yar oo cusub, oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaddib 20 sano oo ay ku noolayd xaalad liidata oo barakacnimo ah.

Waxay ka mid ahayd 82 qoys oo barakac ah, kuwaasi oo lagu wareejiyay warqadda lahaanshaha boosas loo dhisay oo ku yaalla deegaanka Girible, oo lix kilomitir dhanka bari ka xiga magaalada Booasaso, bishii Juun.

Qoyska Xafido waxay ka soo barakaceen abaar ku dhufatay magaalada Qallaafe ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, sanadkii 2000.

Waxay ku noolaayeen aqal cooshaad ah oo ku yaalla deegaanka Toora-boora ee galbeedka Boosaaso, waxay bishii bixin jireen kiro toddoba doollar ah.

Qoyskaan ayay noloshooda ku tiirsanayd lacag $5 – $7 ah oo uu soo shaqayn jiray aabbahood oo xamaali ka ah bakhaarrada cuntada lagu keydiyo ee Boosaaso.

Xafido ayaa ku faraxsan inay ka soo baxday noloshii nadaafad-darada ahayd ee ay ku noolayeen iyada iyo qoyskeeda intii ay deggenaayeen xerada Toora-boora, oo aanan lahayn musqulo. Carruurta ayay sheegtay inay ku saxaroon jireen gasacadaha ay caano-booraha ka dhamaadeen, halka dadka waawayn ay aadi jireen musqulo lacag ah.

Xabiibo Muuse Cali oo ah hooyada 10 carruur ah ayaa sidoo kale heshay guri iyo warqadda lahaanshaha dhulka. Qoyskeeda oo ka soo barakacay magaalada Qallafe 2009-kii, ayaa dhibaato ka marayay bixinta kirada guri labo qol ah oo ay ka deggenayeen xerada Toora-boora. Kirada guriga ayaa bishii ahayd $15.

Haweeneydaan ayaa toddobaadkii labo maalin dhar soo dhaqi jirtay, waxayna halkii maalin oo shaqo heli jirtay shan doollar, halka ninkeeda uu u xamaali tagayay dekedda Boosaaso.

Xabiibo ayaa xustay in qolka loo dhisay iyo dhulka la siiyay ay u arkaan in ay uga bixi karaan noloshii ciriiriga ahayd ee barakacnimada, wax badanna ay ka dhimi doonto culayskii horay u haystay.

Waxay tilmaantay in hamigeedu uu yahay inay mustaqabalka dhisato dhulka u bannaan oo sidoo kale na ay ku darto carruurteeda dugsiga Quraanka.

Mashruucaan dib-u-dejinta ah waxaa fulineysa hay’adda qaxootiga Noorway ee NRC.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee degmada Boosaaso, Cali Axmed Maxamuud ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay dib-u-dejin u sameeyaan dhamaan dadka barakaca ah ee ku nool Boosaaso. Wuxuu xusay inay hadda dib-u-dejin u sameeyeen 282 qoys oo barakac ah saddexdii sano ee la soo dhaafay.