Bashiir Goobe Suurtagal ma tahay in Ra’iisul wasaare rooble geeyo xarunta nabad sugida ?

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qorshaynaya in uu taliska NISA geeyo agaasimaha KMG ah ee uu magacaabay Generaal Bashiir Gooble iyada oo uu xilka taliska NISA uu la wareegay wareegay Agaasimaha uu magacaabay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Gaashaanle Yaasiin Faray.

Rooble ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in uu xarunta Habar Khadiijo ku geeyo xarunta NISA

Dhanka kale Qoraal lagu daabay bogga Twetter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in uu xilka taliska NISA uu la wareegay Gaashaanle Faray uu xalay magacaabay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud. Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday”

Ciidanka ka mar qaata Yaasiin Faray ayaa la wareegay jidadka soo gala xarunta iyaga oo xaqiijaya amaanka guud ee xarunta iyo wadooyinka soo gala.

Inkastoo Fahad Yaasiin uu safar dibadda ah, gaar ahaan dalka Turkiga ku maqan yahay ayaa haddana waxaa la dareemay dhaq dhaqaaq ciidan oo ka jira Xarunta Nabadsugida Qaranka ee Habar Khadiijo, waxaana lagu arkay Ciidan wata Beebayaal oo la soo dhigay waddada KM-0 iyo wadada dhanka Beexaani aada ee hormarta Hotel Global.

Ciidankan wata beebaayaasha ayaa lagu la magacaabaa Duufaan oo ah ciidan si gaar ah uga amar qaata Agaasimihii shaqada laga joojiyay.

Ciidankan Duufaan waxay ku lug lahaayeen isku daygii lagu difaacayay muddo kororsigii Farmaajo ee labada sano, sidoo kalena weerar ku qaaday hoyga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ee Xaafada Mirinaayada.