Baxnaano Barnaamij lagu Magacaabo Oo Maanta Baydhabo laga Daahfuray(Sawiro)

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Koonfur Galbeed mudane Amb. Dr. Cali Saciid Fiqi ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Dowladda KGS ku daahfurey barnaamijka Baxnaano oo ah barnaamij lagu caawiyano dadka danyarta ah ee DKGS iyo barnaamij lagula dagaalamayo Ayaxa saameeyey qeyba ka mid ah deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Daahfurka barnaamijkaasi ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya mudane Sadiiq Warfaa, Wasiirka Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda KGS mudane Cabdulqadir Cumar Cabdullaahi iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada KGS.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan DKGS Maamulka Gobolka Baay, qaar ka mid ah agaasimiyaasha Wasaradaha KGS, Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.