Baydhabo Oo dhoor Maalmood Ka Socda Kulanka Wadatashiga Doorka Haweenka Soomaaliyeed.

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka koonfur galbeed Soomaaliya ka socda kulanka wadatashiga doorka haweenka soomaaliyeed ee nabadda, dib uheshiisiinta iyo ka hor tagidda fikirka xagjirnimada ee dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaamliya.

Kulankan wada tashiga doorka haweenka soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galeya Wasiiradda wasaaradda haweenka iyo xaquuqal insaanka koonfur galbeed,maamulka gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo, Ururada haweenka gobolka Baay iyo midka degmada Baydhabo.

Waxaa kulankan looga hadlayaa sidii haweenka deegaanada koonfur galbeed soomaaliya ay uga qeyb qaadan lahaayeen doorkooda ku aadan ku wacyi gelinta bulshada Nabadda, dib u heshiisiinta, iyo fikirka xagjirnimada maadaama ay yihiin udub dhexaadka bulshada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu Ururka haweenka qaranka soomaaliyeed ay ku qabtaan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka koonfur galbeed.