Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qayb galay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta Deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.
Munaasabadda Diiwan-Gelinta ayaa waxaa ka qeybgalay Mudanayaal ka tirsan Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo.
qaar kamid ah shacabkii is diiwaangeliyey ayaa waxa ay bogaadiyeen sida wanaagsan ee looga shaqeynaayo in dalka taladiisa dib loogu soo celinaayo gacanta shacabka soomaaliyeed.
sidoo kale xubno ka tirsan gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa waxay sheegeen in Baydhabo ay ku yaalaa ilaa toban goob oo loo kala qeybiyey xaafadaha magaalada Baydhabo sidoo kalena waxaa ay ku bogaadiyeen shacabka in ay isu diiwaangeliyaan doorashada qof iyo codka ah ee dalka la rabo in laga qabto.
Diiwaangelinta maanta Baydhabo ka bilaabatey madaxweyne Laftagareen ayaa noqday Qofkii ugu Horeyey ee qaata Shahaada Diiwan-Gelinta Cod Bixiyaasha ayaa Bulshada Koonfur Galbeed kula Dardaarmay inay is Diiwan-Geliyaan kana qeyb qaatan Hanaanka Doorashooyinka Qofka iyo Codka.














