Beesha Caalamka oo ku biirtay dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka Soomaaliya

Warar la helayo ayaa muujinaya in Beesha Caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka, ay si rasmi ah ugu biireen dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Mucaaradka. Talaabadani waxay noqotay mid soo jiidatay indhaha bulshada, maadaama ay xilli adag ku soo beegantay, xilli muranno siyaasadeed oo ba’an ay hareeyeen hanaanka dowlad-dhisidda dalka.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay inay hoggaaminayaan dedaalladan cusub. Labadan mas’uul ayaa ku howlan sidii ay dhinacyada siyaasadda ugu qancin lahaayeen inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka, isla markaana ay ka heshiiyaan arrimaha ugu waaweyn ee muranka dhaliyay, sida nidaamka doorashooyinka iyo dib-u-eegista Dastuurka KMG ah.

Xalay ayay xubnaha Madasha Mucaaradka yeesheen kulan gaar ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kaga arrinsadeen fariimaha iyo talooyinka ka yimid Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka. Sida ay xogaha muujinayaan, mucaaradka ayaa muujiyay diyaar garow ku aaddan inay dhegeystaan talooyinka iyo baaqyada beesha caalamka, hase yeeshee waxay si adag u adkeysteen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si cad uga tanaasulo qorsheyaal lagu sheegay inay salka ku hayaan kordhinta xilka.

Dhanka kale, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay fariimaha iyo dadaallada beesha caalamka, iyadoo la xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diyaar u yahay in dib loogu laabto wadahadallo rasmi ah, haddii la helo hannaan dhab ah oo lagu gaari karo is-afgarad waara oo dhaxal gal ah.

Xogaha kale ee la helayo waxay tilmaamayaan in ay suuragal tahay in dhowaan la qabto kulan fool ka fool ah oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha Madasha Mucaaradka. Kulankaas ayaa noqon kara mid lagu gaari karo go’aan kama dambeys ah oo lagu xalliyo xasaradda siyaasadeed ee dalka, maadaama labada dhinac ay si guud ugu mideysan yihiin in aan lagu sii socon karin xaaladda qalafsanaan iyo is-maandhaaf joogto ah.

Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka ayaa xil gaar ah iska saaray fududeynta wada xaajoodka iyo hubinta in aan mar kale la soo marin xaalad la mid ah tii sanadkii 2021-kii, oo muranka ka dhashay kordhinta xilka iyo dib-u-dhacii doorashooyinka sababay rabshado iyo qalalaase siyaasadeed oo xooggan.

Dadaallada socda ayaa loo arkaa fursad cusub oo ay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ugu laaban karaan wadahadal dhab ah, si xal waara looga gaaro khilaafka taagan, loona ilaaliyo xasilloonida dalka.