Somaliland ayaa sheegtay in aanay ahayn Soomaali isla markaana dadka kasoo jeeda Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya ay ula midyihiin Itoobiyaanka & ajinebiga kale.
Taliyaha Booliska ee Gobolka Sool oo Laascanood warbaahinta kula hadlay ayaa yidhi: “Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajinabi waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale waana ka saaraynaa Laascaanood, annaga Soomaali ma nihin waxbana nagam gelin waxaanu nahay Somaliland”.
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Laascaanood waxaa ay ku qabqabteen dadweyne faro badan oo rayid ah.
Dadka howlgalka lagu soo qabqabtay ayaa waxaa ay ahaayeen dad ka soo jeeda gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya iyagoo ahaa ganacsato.
Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan dadkan iyadoo qaar kamid ahna la sii daayay markii su’aalo la weydiiyay.














