Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in xaalad kacsanaan xooggan ay maanta ka taagan tahay afaafka hore ee Cisbitaalka Weyn ee magaalada, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa amniga ay halkaasi ku xireen waddada, taasoo ay ku muujinayeen cabasho ka dhalatay mushahar la’aan iyo daryeel xumo muddo dheer soo jiitamaysay. Goobtaasi oo ah mid ka mid ah jidadka ugu muhiimsan magaalada ayaa gebi ahaanba laga hakiyay isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoo arrintaasi ay si toos ah u saamaysay adeegyada caafimaadka degdegga ah ee bulshada u socday cisbitaalka, taasoo keentay cabasho xooggan oo ka soo yeertay shacabka deegaanka.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in xiritaanka waddadaasi ay si weyn u saameysay dadka bukaannada ah ee u socday cisbitaalka iyo qoysaskooda, iyadoo xaaladdaasi ay abuurtay caro iyo walbahaar ku saabsan sida ay dadku u heli doonaan adeegyada caafimaadka. Ciidamadan ayaa dhankooda ku dooday in ay muddo badan ku jireen mushahar la’aan, dayac joogto ah iyo in cabashooyinkooda aysan wax jawaab ah ka helin maamulka, taas oo ku qasabtay in ay qaadaan tallaabadan adag.
Xaaladda guud ee magaalada Boosaaso ayaa hadda ah mid kacsan, iyadoo aan wali caddeyn sida ay maamulka Puntland ama wasaaradda amnigu uga jawaabi doonaan gadoodkan cusub ee ciidamada. Waxaa jira cabsi laga qabo in xaaladdu sii adkaato haddii aan xal degdeg ah laga gaarin tabashada ciidamada.
Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta degmada Carmo tababar ugu soo xiray ku dhawaad 500 oo askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Puntland, kuwaas oo tababarkoodu socday muddooyinkii lasoo dhaafay. Intii tababarku socday, ciidamadan ayaa marar kala duwan sameeyay gadood iyo cabasho ku saabsan xuquuq la’aan iyo mushaharkoodii oo aan la bixin, waxaana markii hore la sheegay in dowladda Imaaraatiga Carbeed ay ballan qaaday bixinta mushaharkaasi, balse aan weli si rasmi ah loo fulin.
Si kastaba ha ahaatee, cabashadii ciidamada tababarka ku jiray ayaa la sheegay in si hoose loo xaliyay, taasoo suuragelisay in maanta si rasmi ah loogu soo xiro tababarkooda munaasabad ballaaran oo uu ka qeybgalay Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiin kale oo heer sare ah. Muddadii ugu dambeysay, ciidamada Puntland ayaa marar badan sameeyay gadood ay kaga cabanayaan mushahar la’aan, daryeel la’aan iyo xuquuq xumo joogto ah, taasoo muujineysa caqabadda weyn ee maamulka Puntland ay weli kala kulmayaan ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka ciidamada amniga.














