Boqolaal Kooxda Taalibaan ah oo ku wajahan Goobo horleh

Boqolaal dagaalame oo ka tirsan Taalibaan ayaa u ruqaansaday Gobalka Panjshir oo ay ku xoogan yihiin Kooxda Iska-caabinta Taalibaan oo ka kooban Ciiddanka Dowladii hore iyo Maleeshiyada Deegaanka.

“Boqolaal Mujaahidiin ka tirsan Imaarada Islaamka Afganistan ayaa ku wajahan Gobalka Panjshir kadib markii Saraakiisha Deegaanka diideen inay si Nabad ah isku soo dhiibaan ayu yiri” Sarkaal ka tirsan Taalibaan oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AFP.

Hanjabaada Dagaalka ee Taalibaan waxa uu soo baxay, kadib, markii uu Axmed Mascuud oo hoggaamiya kooxda Iska-caabinta Taalibaan uu sheegay inay Hoggaanka Taalibaan ku gacan sayreen in wada hadal Nabadeed lagu dhameeyo Khilaafka Siyaasadda ee taagan.

Ururka Taalibaan waxay bishan 15-dii Gudaha u galeen Caasimada dalkaasi ee Kabul, iyagoo la wareegay Talada dalkaasi.