Dallada ay ku midaysanyihiin bulshada rayidka ah ee Puntland, ayaa Baaq nabadeed ka soo saartay dagaalada ka socda Af-barwaaqo iyo degmada Towfiiq ee gobolka Mudug.
Dallada waxay ugu baaqday Puntland iyo Galmudug inay kawada shaqeeyaan masaalixda bulshadooda ayna u howlgalaan sidii loo dhameyn lahaa colaada dhextaala labada beelood ee deriska ah.
Hadalka dallada bulsahda rayidka ah ee Puntland, ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta dagaal aad u culus oo geystay khasaare baaxad weyn oo leh dhimasho iyo dhaawac uu dhexmaray labada beelood.















