Bulshada Rayidka oo sheegay in Golaha wadatashiga afduubteen doorashada

Urrurada Bulshada rayidka Somaaliyeed ayaa walaac xoogan waxaa ay ka muujiyeen habraacii doorashada Golaha Shacabka oo maalin ka hor ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Urrurada Bulshada rayidka Somaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay inay kasoo horjeedaan habraaca Golaha Shacabka ee la soo saaray, isla markaana ay weli muuqato inay jiraan ku xadgudubka xuquuqda Muwaadiniinta uu u leeyahay ka qeyb galka doorashooyinka & kuw tagrifal awoodeed oo ay doorashooyinka ku maamulayaan Golaha wadatashiga qaran.

Sidoo kale Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxaa ay sheegeen inay weli muuqato in aan laga gudbin is aamin daradii ka dhalatey khilaafkii siyaasaded ee dib u dhaca ku sameeyey doorashooyinka dalka ayna muuqato in madaxda Golaha Wadatashiga Qaran xal u heli karin haddii aysan geedi socodka doorashooyinka ka dhigin mid daah furan.

“ Waxaan aaminsan nahay in habraaca ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran uu meesha ka saarey doorka bulshada rayidka ee hubinta xulista ergooyinka taasina waxey sheki badan gelineysa suurtogalnimada in dalka ay ka dhacaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo xasilooni siyaasadeed dalka u horseeda dalka iyo dadka Soomaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka Ururada Bulshada Rayidka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Urrurada Bulshada rayidka Somaaliyeed oo aad u dheer ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ay in badan ka digeen in daahfur la’aanta doorashooyinka ay sabab u noqon karto in dalka aysan ka dhicin doorashooyin lagu kalasoonaan karo, sidaas daraadeed aan la aqbali karin habraacan cusub oo u muuqda dhaqan gelintiisa mid sababi kara iska hor imaadyo hubeysan oo dhex mara siyaasiyiinta oo adeegsanaayo beelaha ay ka soo jeedaan.

“ Bulshada Rayidka waxa ay ugu baaqeysaa duubabka Soomaliyeed, odoyaasha dhaqanka, culumo u diinka, wax garadka, haweenka iyo aqoonyahanada Soomaliyecd in ay u istaagan sidii looga hortegi lahaa nidaam doorasho oo abuuri kara xasilooni daro isla markaasna gacan ka geystaan sidii dalka ay uga qabsoomi lahaaycen doorashooyin daah furan oo lagu kalsoonaan karo ayay sii raaciyeen Urrurada Bulshada Rayidka.

Ugu dambeyn Bulshada Rayidka ayaa u mahad celiyay Beesha Caalamka dadaalka ay ugu jirto sidii dalka ay doorashooyin nabdoon uga dhici lahaayen, waxeyna u soo jeediyeen in taagceradooda noqoto mid suurtogal ka dhigta in dalka ay ka dhacaan doorasshooyin daah furan oo si nabad ah ku dhaca isla markaasna lagu kalsoonaan karo.

Warkaan kasoo baxay Urrurada Bulshada rayidka Somaaliyeed ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli sidoo kale Midowga Musharixiinta ay si cad uga soo horjeesteen habraacii doorashada Golaha Shacabka oo maalin ka hor ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.