Burcad badeedda Soomaalida ayaa qafaashay markab kuwa xamuulka ah oo sidda laba milyan oo foosto oo ay ku jiraan kiimikada gacmaha lagu dhaqdo ee loo yaqaan hydro-alcoholic gel.
Markabka ayaa siday saddex boqol oo milyan oo litir oo ka koobnayd kiimikadaan, iyadoo lagu qiimeeyay lacag dhan lix bilyan oo ginni.
Waxaa la qafaashay xilli uu kusii jeeday Boqortooyada Ingiriiska, iyadoo burcad badeedda ay dalbadeen konton milyan iyo konton kun oo madax furasho ah.
Afhayeen u hadlay dowladda boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegay inay isku dayayaan inay wadahadal la galaan burcad badeeda xeebaha Soomaaliya oo ah halka markabka lagu qabtay.
“Qaranka waxa uu aad ugu baahan yahay markabku inuu yimaado Boqortooyada Ingiriiska, waddanka oo dhan wuxuu qarka u saaran yahay dhibaato ka dhalata la’aanta hydro-alcoholic gel, markabkan la afduubay ayaa dib noogu celin kara xaalad culus haddii aan si dhakhso ah loo xallin,’ ayuu yidhi afhayeenku.














