C/risaaq Ciid oo ku guuleystay doorashada kursiga HOP063

Cabdirisaaq Cabdillaahi Ciid ayaa ku guuleystay natiijada hordhaca ah ee kursiga #HOP063 ee Golaha Shacabka JFS, tartan adag oo gaadhay wareegga saddexaad.

Ciid oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ee Sh.Shariif wuxuu ka guuleystay Maxamed Daahir oo ay wada-dhasheen Madaxweyne Laftagareen.

Murashax Cabdirisaaq Ciid ayaa helay 56 cod halka Daahir xaaji Axmed uu helay 44 cod waxa halaabay 1 cod.

Kursigaan ayaa ka mid ah noqday kuraastii ugu adkeyd doorashadii golaha Shacabka tan iyo markii ay bilaabatay.