Caasimadda Koonfur Galbeed Oo Mashaariic laga Dhagaxdhigey

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo maanta gaarey Degmada Baraawe ee Caasimadda Rasmiga ah ee Koonfur Galbeed ayaa Dhagax dhigey Dugsiga sare ee Badda ee Dr Burci Hamza,

Dhagax dhigan ayaa waxaa ka soo qeyb galey oo Madaxweynaha Koonfur Galbeed CabdiCasiis Laftagareen ku wehlinayey Wasiirka Waxbarashada Godax Bare , Wasiirka Musiibooyinka Xamza , Wasiir Dowle Xaamud, Danjire Cali Faqi & Macalin Hadi,

Dugsigan Maanta laga Dhagaxdhigey Degmada Baraawe ee Dr Burci ayaa sida laga dhawaajiyey waxaa lagu baran doonaa Kalluumeysiga Kheyraadka Badda iyo Wax soo saarka,